Amnesty: Caddaaladda Ha la marsiiyo Cabdirashiid Janan

Published: February 4, 2020

Hay’adda Xuquuqda Aadanaha ee Amnesty International ayaa ka codsatay dowladda Kenya inay qabato islamarkaana ku wareejiso dowladda Federaalka Wasiirka Amniga maamulka Jubbaland C/rashiid Xasan cabdinuur oo 28 Jannaayo ee bishii hore ka baxsaday Xabsi ku yaal magaaladda Muqdisho.

Amnesty waxay sheegtay in c/rashiid Jannan loo haysto danbiyo culus oo uu gaystay oo lidi ku ah xuquuqda aadanaha loona baahan yahay in degdeg loogu wareejiyo dowladda federaalka si maxkamad loo saaro. Amnesty waxay dowladda federaalka ugu baaqay in maxkamadaynta Wasiir Janna ay noqoto mid waafaqsan sharciyada caalamiga ah.

C/rashiid Jannan ayaa kadib markii uu ka baxsday xabsigii lagu hayay ee Muqdisho wuxuu dooni ku yimid magaalada kismaayo 31 Jannaayo, isagoo isla maalintaas diyaarad u raacay magaalada Nairobi halkaasi oo uu hadda ku sugan yahay.

HORSEEDMEDIA

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *