Amniga Magaalada Bosaso oo laga soo saaray go’aanno

Published: July 28, 2022
Shares348

Taliyaha Qeybta Booliskla Gobolka Bari G/Sare Cabdiqaadir Jaamc Dirir ayaa shir gudoomiyay kulan gaar ah oo looga hadlayey Amniga Magaalad Bosaaso ee xarunta Gobolka Bari kaas oo ka dhacay Saldhiga Bartamaha Bosaaso.

Kulankan ayaa waxaa goob joog ka ahaa Gudoonka Maxkamadaha iyo dhammaan Sarakisha cidanka Booliska Gobalka Bari.

Taliyaha Qeybta Booliska Gobolka Bari ayaa saraakiisha amniga iyo Masuuliyiinta kale u sheegay inaan la aqbali karin falalka amni darada la xariira ee ka dhaca Magaalada islamarkaana ay muhiim tahay xoojinta wada shaqeynta iyo in gacan adag lagu qabto cid kasta oo halis ku ah nabadgalyada bulshada.

Shirkan oo ahaa mid islaxisaabtan iyo xog isweydarsi ah ayaa waxaa aad looga dooday soo gudbinta caqabadaha ka jira dhinaca amniga iyo sida ugu fudud ee loo xalin karo, iyadoo ugu dambeyn la faray Sarakisha Booliska in talaaba deg deg ah laga qaado cid kasta oo wax u dhimeysa amniga guud ee Gobalka Bari.

Shirka Amniga ayaa inta uu socday waxaa laga soo saaray Go’aamo La xiriira dhinaca amniga iyo in la xoojiiyo iyo in laga hortago Argagixisada, mukhaadaraadka iyo dhalinyarada dhibatada dhaca moobilada ku haya Bulshada.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *