Anwar Ibrahim oo ugu danbeyn noqday Raysalwasaaraha Malaysia

Published: November 24, 2022

Anwar Ibrahim ayaa loo magacaabay Raysalwasaaraha dalka Malaysia kadib markii isbaheysiga xisbigiisa Pakatan Harapan (PH) ay heleen kuraasta ugu badan ee Baarlamaanka dalkaasi.

Anwar oo ahaa siyaasi muddo dheer usoo halgamayey hogaaminta dalkaasi, sanadkii 2015 ayaa xabsi lagu xukumay balse waxaa lasoo daayey sanadkii 2018 kadib markii uu cafis ka helay Boqorka wadankaas. Intuu xabsiga ku jiray waxaa xisbigiisa sii hogaamin jirtay xaaskiisa oo lagu magacaabo Wan Azizah Wan Ismail.

Dooraashadii Baarlamaanka Malaysia ayey dhamaan xisbiyada dalkaasi ku fashileen inay helaan codka aqlabiyada Golaha oo ah 112 kursi, taasi oo keentay khilaaf cida noqon doonta Raysalwasaaraha.

Boqorka dalkaasi Malaysia, Sultan Abdullah Sultan Ahmad oo soo faro geliyey xiisadan ayaa maanta Anwar Ibrahim u magacaabay Raysalwasaaraha 10aad ee dalkaasi maadaama xisbigiisa uu helay cododka ugu badan.

Horseed Media