Aqalka Hoose oo Todobaadkan u codeynaya xil ka qaadista Trump

Published: December 16, 2019

Aqalka Wakiilada oo dhameystiran ayaa la filayaa in ay Todobaadkan u codeeyaan Laba qodob oo ah dacwadda xil ka qaadista Madaxweyne Trump, taasi oo uu guddi hoosaadka caddaaladda ee Congress-ku uu Todobaadkii hore soo gudbiyey.

Madaxweyne Donald Trump ayaa noqonaya madaxweynihii Saddexaad ee lagu soo oogo dacwad isagoo xafiiska jooga.

Dimoqraadiyiinta ayaa ku eedeeyey inuu si qaldan awooddiisii madaxweynenimada u isticmaaley isagoo weydiistey Ukraine in ay baarto ninka hormuudka u ah musharrixiinta dimoqraadiga ah.

Trump iyo taageerayaashiisa ayaa ku adkeystay in uusan madaxweynuhu wax qalad ah sameynin.

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *