16 December, 2019
Aqalka Wakiilada oo dhameystiran ayaa la filayaa in ay Todobaadkan u codeeyaan Laba qodob oo ah…
Aqalka Wakiilada oo dhameystiran ayaa la filayaa in ay Todobaadkan u codeeyaan Laba qodob oo ah dacwadda xil ka qaadista Madaxweyne Trump, taasi oo uu guddi hoosaadka caddaaladda ee Congress-ku uu Todobaadkii hore soo gudbiyey.
Madaxweyne Donald Trump ayaa noqonaya madaxweynihii Saddexaad ee lagu soo oogo dacwad isagoo xafiiska jooga.
Dimoqraadiyiinta ayaa ku eedeeyey inuu si qaldan awooddiisii madaxweynenimada u isticmaaley isagoo weydiistey Ukraine in ay baarto ninka hormuudka u ah musharrixiinta dimoqraadiga ah.
Trump iyo taageerayaashiisa ayaa ku adkeystay in uusan madaxweynuhu wax qalad ah sameynin.