Aqalka Sare oo Ciidamada ugu baaqay inay faraha kala baxaan arrimaha Siyaasada

Published: January 3, 2018

Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya oo shalay go`aan kasoo saaray weerarkii ay ciidamo ka tirsan kuwa dowlada ku galeen hoyga magaalada Muqdisho ee Senator Cabdi Qeybdiid, sabtidii lasoo dhaafay.

Aqalka Sare ayaa laba qodob uu kasoo saaray dhacdadan ku sheegay in Maxkamada lasoo taago ciidamada danbiga galay iyo in Ciidamada ay faraha kala baxaan arrimaha Siyaasada oo ay dhowraan Dastuurka dalka u yaal.

Labada qodob ee kasoo baxay Aqalka Sare ayaa sidan u qornaa:

Qodobka uu Aqalka Sare cuskaday ee 127 ee Dastuurka dalka ayaa u qoran sidatan;

Qodobka 127aad. Mabaadi`ida Ciidamada Amniga
(1) Waa in ay Ciidammada Amniga dhawraan mabaadi`da soo socota:

(a) Mihnadda ciidannimo, anshax-wanaag iyo waddaniyad;
(b) Dhawrista Talinta Sharciga, hay`adaha dimoqoraaddiga ah iyo xuquuqda asaasiga;
(c) U-heellanaanta ilaalinta Dastuurka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya;
(d) Furfurnaan iyo oggolaansho laxisaabtan;
(e) Dhexdhexaadnimo xag siyaasadeed; iyo
(f) Xubnaha ciidanka waa in lagu tababara dhaqan gelinta Dasturkan, sharciyada dalka iyo heshiisyada caalamiga ee Jamhuriyadda Federaalka Soomaaliya ay qayb ka tahay.

(2) Muwaadin kasta oo Soomaali waxa uu xaq u leeyahay in uu ka qayb qaato jagooyinka iyo jaranjarooyinka darajo ee Ciidammada iyada oo aan la takooreyn , iyadoo la ilaalinaaya xuquuqda haweenka ee arrintan la xiriirta

Go’aanka Aqalka Sare ayaa kusoo beegmay xili ay Xukuumada sheegtay in baaritaan lagu wado falkii ka dhacay hoyga Senator Cabdi Qeybdiid, walow aan weli la sheegin cida lahayd amarka ciidamada ay ku galeen goobtaasi.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *