Xil. Cabdiraxmaan Cabdishakuur, ergayga xaaladda abaaraha ee Soomaalia, musharax hore ee ee Madaxweynaha Soomaaliya iyo guddoomiyaha xisbiga wadajir
Soomaaliya ma aha dal siyaasaddiisu qaan-gaartay oo hannaankiisa xukun dhidibadu u taagmeen oo leh awoodo is dheelitiraya iyo hannaan khilaafka siyaasiga ah iyo kan dastuuriga lagu xalliyo. Mana aha dal ay awooddu kali-talis ama qoys gacanta ugu jirto. Waa dal colaad sokeeye iyo xukun la isku dilay ka soo kabanaya, siyaasad jilicsan iyo xukun nugul oo kabkab ah ayaa ka jira.
Marka la eego dooddii iyo dirirtii labadii sano ee ugu danbysay ee rajiimkii hore ka dhacday khilaafka doorashooyinka, muranka iyo loollanka haatan ka tagaan doorashooyinka Somaliland, Puntland iyo tan gacan ka hadalka gaartay ee Kuufur Galbeed iyo mugdiga haraynaya doorashooyinka dawlad Gobolleedyada kale waxay tilmaam ka tahay marxaladda cusub ee ay Soomaaliya foolanayso.
Waxaa walwalka sii xoojinaya in horwaynta (elite) siyaasadda Soomaalida ay iyaga uun isku muuqdaan, moogyihiinna heer kulka dareenka taban ee bulshadu ka qabaan siyaasada iyo siyaasiyiinta.
Soomaaliya waa dal dadkiisu in ka badan 70% dhallinyaro yihiin, kuwaasoo doonaya in ay mustaqbalka la noolaadaan, macno waynna aysan ugu fadhiyin hurgomooyinkii iyo aanooyinka qabiil ee awoowayaashood kala gaaray, waxay hamuun wayn u qabaan nolasha dunida casriga ah ee ay maalin walba ka daalacdaan aaladaha xiriirka baraha bulshada.
Xaaladaha cakiran ee dalka waxay ku soo beegantay iyadoo uu bolol (decay) ku dhacay, ama ay ilka beeleen, awoodihii soo jireenka ahaa (Traditional Authority) iyo iyadoo 20-kii sano laga gudbi waayey hanaanka 4.5, siyaasiyiintuna ku guuldaraysteen in ay dhisaan nidaam dawladeed oo awoodihiisu is dheelitirayo, lehna aalado iyo hannaan khilaafka lagu xalliyo, xukunka nabad lagula kala wareego, nidaamka amniga, ciidanka, shaqaalaha rayadka ah, diblomaasiyada mutaysi lagu dhiso.
Marka la eego quusta iyo niyad jabka laga qabo siyaasiyiinta iyo qaflada ay ku jiraan, duruufaha maalinba maalinta ka danbaysa sii qalafsanaanaya ee nolosha dadkeenna, dulqaadka bulshada ee gabaabsiga sii noqonaya, gocoshada iyo gadoodka xoogga leh ee aqlabiyadda aamusan (Silent majority), waxaan shaki ku jirin in xaaladdu ay riman tahay marxalad cusub, kaasoo laga yaabo in kacdoon bulsho horseedo.
Waxay u badan tahay in wejiga hore ay Al-Shabaab ku bixi doonaan, laakiin aan la kala hari doonin. Waxaan mar walba aaminsanahay in mustaqbal iftiin leh uu Soomaalida ka horreeyo.