Aqoonyahano Dacwad ka dhan ah Somaliland u Gudbiyay Midowga Yurub iyo Hay’adda Human Right Watch.

Published: January 30, 2023

Koox ka mid ah aqoonyahanada iyo indheergaradka Gobolada SSC oo ku sugan qaarada Yurub ayaa dacwad ka dhan ah maamulka Somaliland u gubiyay Midowga Yurub iyo Hay’adda xuquuql insaanka ee Human Right watch xaruntooda magaaladda Brussel ee Midowga Yurub.

Kooxdan aqoonyahanada ee dacwad ka gudbiyay maamulka Somaliland xasuuqii, dilalkii iyo tacdiyadii ay ciidamadeedu ka gaysteen magaaladda Laascaanod iyo kalshaale 15kii sanno la soo dhaafay ayaa la kulmay Wasiirka horumarinta iyo kaabayaasha dhaqaalaha ee wadanka Belguim Caroline Gennez iyo agaasimaha guud ee HRW xafiiska qaarada `Yurub.

Dr Maxamed Cawad Cabaase oo ka mid ah aqoonyahanada SSC ayaa horseedmedia u sheegay inay u gudbiyeen Midowga Yurub iyo hay’adda xuquuql insaanka Qoraal, sawiro iyo magacyada dadkii lagu laayay magaaladda Laascaanod iyo xasuuqii ka dhacay degaanka Kalshaale ee Gobolka Cayn.

“ Waxaanu u gudbinay qoraal aaanu ku faahfaahinayno dilalkii qorshaysnaa ee madaxjabinta ahaa ee lagu ugaarsanayay waxgaradka iyo dadka gobolka Sool 15 sanno ee la soo dhaafay, waxaanu gudbinayay magacyada dadka la laayay oo ay ugu dambeeyeen dadkii Somaliland ku laysay kacdoonkii ka dhacay laascaanood, waxaan kaloo uga waramay kacdoonka iyo rabitaanka dadka reer SSC ee aayo ka tashigooga” Sidaas waxaa yiri aqoonyahan Dr. Maxamed Cawad Cabaase.

Dr Maxamed wuxuu ammaanay doorka dhalinyarada kacdoonka wada iyo kulanka isimadda gobolka ee ay ka tashanaayeen aayaha gobolkooda iyo mustaqbalka shacabka goboladaas.

Dhinaca kale, Dr Maxamed wuxuu soo jeediyay in la sameeyo Akoon loogu qaaramayo dadkii wax ku noqday kacdoonka Lascaanood oo ay ugu horayso gabadh la yiraahod Hoodo oo qaybo ka mid ah jirkeeda ku wayday kacdoonkii lagaga horyimid maamulka Somaliland, waxaana uu ugu baaqay isimadda oo ugu horreeya Garaad Jaamac inay xil gaar ah Iska saaran caawinta dadkaasi.

Horseedmedia