Askar Ku Geeriyootay Qarax ka Dhacay Muqdisho

Published: February 16, 2020

Ugu yaraan saddex askari oo ka tirsan ciidamada dowladda federaalka ayaa geeriyooday ka dib markii baabuur ay wateen oo ah nooca dagaalka uu dulmaray Miino nooca dhulka lagu Aaso ah.

Qaraxan waxaa kaloo ku dhaawacyo ka soo gaareen tiro kale oo askartii saarnayd baabuurka oo xiliga qaraxu uu qabsaday marayay xaafada xoosha ee degmada Dharkeenley ee Magaaladda Muqdisho.

Dhaawaca askarta ayaa la geeyay cusbitaalada Magaaladda Muqdisho.

Ururka Alshabaab ayaa sheegtay masuuliyada weerarkaasi, waxayna sheegeen inay ku dileen 3 askari oo ka tirsan milateriga federaalka sida ay ku faafiyeen baraha internetka ee Alshabaab.

Ma jirto wax war ah oo ka soo baxay dhinaca dowladda Federaalka Somaliya oo ku saabsan qaraxan dhimashada iyo dhaawacu uu ka soo garay ciidamada dowladda.

HORSEEDMEDIA

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *