Askar Mareykan ah oo khasaaro kasoo gaaray hawlgal ka dhan ah ISIS

Published: August 31, 2024

Howlgal ay si wadajir ah u fuliyeen ciidamada Mareykanka iyo kuwa Ciraaq ayaa lagu dilay 15 xubnood oo ka tirsan Daacish, iyadoo 7 askari oo Mareykan ah lagu dhaawacay howlgalka, sida uu sheegay Jimcihii shalay taliska dhexe ee Mareykanka ee CENTCOM.

Weerarkan ayaa lagu bartilmaameedsaday hogaamiyayaasha ISIS, waxaana la qaaday subaxnimadii Khamiista, taasoo keentay “dhimashada 15 ka mid ah saraakiisha ISIS” iyadoo “aan la ogeyn khasaaraha rayidka ah,” CENTCOM ayaa sidaas ku sheegtay baraha bulshada.

Mareynkanka ayaa sheegay in xubnaha ISIS ay ku hubaysnaayeen hub badan, bam-gacmeedyo, iyo qaraxyada ‘is-miidaaminta’’, hawlgalkan ayaa ka dhacay galbeedka dalka Ciraaq.

Hawlgalkan ayaa sidoo kale ku soo aadaya toddobaad kadib markii ciidamada Mareykanka ay dileen hoggaamiye sare oo ka tirsan kooxda xiriirka la leh Al-Qaacida ee Suuriya.

Horseed Media