Askari darawal u dilay 10 kun oo shilin Soomaali darteed oo gacanta lagu dhigay

Published: November 29, 2022
Shares8

Askari aroornimadii maanta Darawal Gaari si bareer ah ugu dilay degmada Balcad ee Gobolka Shabeellaha dhexe ayaa gacanta lagu dhigay

Askarigan oo goobta isaga cararay markuu dilka gaystay waxaa lagu guulaystay in lasoo qabto xili uu ku dhuumaalaysanaayy Beer ku taalla degmadaasi, isagoo haatan Xabsiga loo taxaabay.

Askariga lasoo qabtay ayaa la sheegay inuu 10 kun oo shilin darteed uu u dilay darawalka, kadib isbaaro u taallay kontrool ku yaalla degmada Balacd.

Gobolka Shabeellaha dhexe waxaa inta badan dilal kala duwan kuwaas oo la xiriira aano qabiil iyo isbaaro. 

Horseed Media