Askari Dil iyo Adoonsi Kula kacay Dad Xoogsato ah oo Dil Lagu Xukumay

Published: March 15, 2020

Maxakamadda Darajada 1-aad ee Ciidamada Qalabka Sida ee dowladda Federaalka ayaa Dable ka tirsnaa ciidamada Milateriga oo lagu magacaabo Cabdiraxmaan Cabdulle Hilowle waxay ku xukuntay dil toogasha ah

Askariga ayaa loo heystaa dilka Allaha Unaxariiste Marxuum Xuseen Axmed Cabdulle iyo dhaawaca Yaasiin Geedow Xuseen kadib markii ay ka biya diideen in uu ku fasho Beer uu lahaa Eedeysanaha oo ku taal magaalada Buullo Mareer 31-kii bishii Oktoobar ee sanadkii tegay.

Taliska Ciidanka gaar ahaan Ururuka Lixaad ayaa ku wareejiyay eedeysanaha Sedaxdii November 2019 Xafiiska Xeer Ilaalinta Ciidamada Qalabka Sida, waxa uuna Xafiska isla xilligaas weydiistay Garsoorka in loo gudbiyo Xabsiga dhexe Dable Xoogga Dalka Cabdiraxmaan Cabdulle Hilowle garsuge ahaan.

Ku xigeenka Xeer Ilaaliyaha guud ee Ciidamada Qalabka Sida Dhamme Ismaaciil Salaad Maxamed ayaa ka sheegay Fadhiga Maxkamadda in Eedeysane Dable Xoogga Dalka Cabdiraxmaan Cabdulle Hilowle uu ula dhaqmay xoogsatada sidii in ay addooma u yihiin oo kale, Damaciisuna ahaa in uu dilo marxuum Xuseen Axmed Cabdulle ita kalane ay ugu shaqeeyaan si qasab ah, sidaas darteedna uu mudan yahay in la dha-dhansiiyo xanuunka Geerida.

Garsoorayaasha ayaa ugu dambeyn go’aamiyay in Dable Xoogga Dalka Cabdiraxmaan Cabdulle Hilowle lagu xukumo dil toogasha ah oo ah qisaaasta Marxuum Xuseen Axmed Cabdulle sida uu dhinacyada dacwadda u sheegay Gaashaanle Sare Xasan Cali Nuur Shuute.


Xukunsanaha ayaa heysta Fursad 30-cisha oo ku qaadan Rafcaan Xukunka kadib.

HORSEEDMEDIA

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *