Askari haweeney ku dilay Xamar oo la baadi-goobayo

Published: December 26, 2019
Marxuumad Hani Ismaaciil Yuubane.

Ciidamo ka tirsan Booliska Soomaaliya ayaa waxaa ay degmada Deyniile ee Gobolkan Banaadir ka baadi goobayaan Askari ka tirsan Ciidamada Dowladda oo haweeney xalay ku diley gudaha degmadaas.

Askariga ayaa rasaas ku furey goob ay ku sugnaayeen dad badan oo isugu soo baxay buuq iyo dagaal ka dhex-jirey dad deris ah, waxaana rasaastaas ku geeriyootay haweeneey lagu magacaabi jirey  Hani Ismaaciil Yuubane.

Askariga dilkaasi geystay ayaa la sheegay in uu goobta ka baxsaday, waxaana saraakiil ka tirsan booliska degmada Deyniile ay sheegeen in lagu raad joogo askarigaas, isla markaana hadii la qabto cadaaladda la horkeeni doono.

Askarta ka tirsan ciidamada dowladda ee ka howlgalla magaalada Muqdisho ayaa inta badan waxaa ay dil u geystaan dadka shacabka dilkaas oo ah mid ku yimaada khilaaf soo kala dhex-gala iyo rasaas ay mararka qaar iska ridaan.

HORSEED MEDIA

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *