Askari Ka Tirsan AMISOM Oo Lagu Xukumay Dil Toogasho

Published: November 12, 2021

Maxkamada ciidamada AMISOM ayaa ku xukuntay dil iyo xabsi dheer ciidamo ka tirsan AMISOM oo lagu helay inay ka dambeeyeen dilka dad rayid ah oo Soomaali ah.

Labo ka mid ah askartii la soo eedeeyay oo u dhashay Ugandha ayaa lagu xukumay dil, halka seddaxda kalena lagu xukumay min 39 sano oo xabsi ah.

Dhacdada oo ahayd bishii August ee sannadkan, waxaa lagu dilay toddobo qof oo shacab ahaa, waxaana la sheegay in qaarkood lagu dul fadhiisiyay miino, ka dibna lagu qarxiyay, kuwaas oo ku sheegeen inay yihiin Alshabaab.

Goobta xukunka uu ka dhacay oo ahayd xarunta xerada Xalane ee Muqdisho ayaa waxaa joogay qaar ka mid ah ehellada dadkii rayidka ahaa ee la dilay.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *