Askari Oday U Dilay 2 Kun Oo Shillin Soomaali Ah Ayaa Lagu Xukumay Dil

Published: July 8, 2020

Dable ka tirsan ciidamada Booliska Soomaaliya oo ku eedaysnaa inuu 2 kun oo shillin Soomaali ah u dilay nin oday ah oo ku ganacsanayay suuqa Ceel-gaab ee degmada Xamar Jajab 16-kii June ee sanadkaan ayaa maanta maxkamadda ciidamada Soomaaliya ku xukuntay dil toogasho ah.

Askarigan oo lagu magacaabo Dable Nuur Daahir Geelle ayaa waxay maxkamaddu sheegtay inuu qirtay dilka oday Cumar Xasan Macallin kaas oo u dhintay rasaas uu riday, kadib markii lagu murmay 2 kun oo shilin Soomaali ah oo duug ah oo marxmuumka dhintay codsaday in laga bedalo xilli askariga maanta la xukumay uu doonayay in Sigaar laga iibiyo.

Xeer Ilaalinta Maxkamadda ayaa askariga ku soo oogtay dacwad ah inuu si bareer ah u dilay odayga waayeelka ee ganacsanayay, isla markaana la marsiiyo ciqaabka uu mudan yahay.

Maxkamada oo go’aan ka gaartay kiiskan ayey dable Boolis Nuur Daahir Geeddi oo ka tirsan Saldhigga Booliska degmada Shingaani ee magaalada Muqdisho ku xukuntay dil toogasho ah.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *