Askeri ka tirsan ciidanka Puntland oo dad shacab ah dhaawacay Garowe

Published: July 28, 2020

Askeri ka tirsan ciidanka booliska ayaa maanta rasaas ku furey dad shacab ah oo ka banaanbaxey canshuurta laga qaado oo ay ku tilmaameen mid koreysa. Dhacdadan ayaaa ka dhacdey mavaalada Garowe ee xarunta Puntland

Rasaasta Askeri furey ayaa dhaawacdey saddex qof oo haween ah oo kamid ah dadkii banaanbaxa dhigaayey.

Qaar kamid ah dadka banaanbaxaaayey ayaa gubey taayiro waxaana ay xireen wadad a laamiga ah ee barxadda, waxaana ayn ku dhawaaqayeen erayo ay uga soo horjeedaan lacago canshuur ah oo ay sheegeen in ay dheeraad tahay.

Dhanka kale bilihii u danbeeyey waxaa kor u kacay sarrifka lacagta dollarka oo maraysa heerkii u sareeyey muddooyinkan ay gaarto.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *