Asakri horay mid kale u diley oo Muqdisho lagu qisaasay

Published: February 18, 2012

Maxkamadda ciidamada qalabka sida ee DKG ah ee Soomaaliya ayaa saaka xukun dil ah ku fulisey askari horay dil u geystey.

Askariga saaka la toogtey oo lagu magacaabo Axmed Maxamed Cali ayaa waxaa lagu xukumay dil toogasho ah kadib markii ay ku cadaatay in uu si bareere ah askari kale u diley.

Waxaana askarigii uu kan maanta la toogtey horay u diley lagu magacaabi jirey Cabdi Xasan Cawaale, kaas oo taariikhdii uu geeriyoodey ay ahayd 15-4-2011.

Gudoomiyaha maxkamadda ciidmada qalabka sida Xasan Maxamed (Mungaab) oo markii dilkaas qisaasta ah la fuliyey kadib saxaafadda la hadlay ayaa sheegay in ay jiraan gacan ku dhiigle yaal kale oo dhowaan la qisaasi doono.

Wuxuuna intaas ku daray in aysan ahayn markii ugu horeysey ee ay maxkamadda ciidamadu xukunno noocan oo kale ah riddo, haseyeeshee ay jireen dhowr mar oo askar dil geystey sidan oo kale loo qisaasay.

Ciidamada DKG ah ee Soomaaliya oo mararka qaar falal dil iyo dhac isugu jira kula kici jirey dadka rayidka ah ayaa mudooyinkii u danbeeyey u muuqanayey kuwo arintaas ka gaabsaday maadaama maxkamad lasoo taagey dhowr askari oo denbiyo uu dil ku jiro lagu helay.

 

Horseed Media