ATMIS oo beeniyay in ay door ku leedahay doorashada Jubaland

24 November, 2024

War saxaafadeed ay maanta soo saartay ATMIS ayay ku adkeysay mowqifkeeda dhex dhexaadnimada ah ee ay ka qaadatay khilaafka u dhaxeeya Jubaland iyo dowladda Federaalka Soomaaliya

Howlgalka Midowga Afrika ee ATMIS ayaa walaac ka muujiyay warar ay warbaahinta gudaha ka qoreen oo sheegayay in ciidamadooda booliis ay ku lug leeyihiin sugidda ammaanka goobaha doorashada Jubbaland.

War saxaafadeed ay maanta soo saartay ATMIS ayay ku adkeysay mowqifkeeda dhex dhexaadnimada ah ee ay ka qaadatay khilaafka u dhaxeeya Jubaland iyo dowladda Federaalka Soomaaliya, iyadoo ku baaqday in si nabad ah lagu dhameeyo khilaafka siyaasadeed ee u dhaxeeya labada dhinac.

“Howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya wuxuu ku boorrinayaa dhammaan dhinacyada ay khuseyso, oo ay ku jiraan dowladda Federaalka iyo maamulka Jubaland, inay wadahadlaan si loo dhammeeyo khilaafka siyaasadeed si xal macno leh oo loo wada dhan yahay looga gaaro khilaafka,” ayaa lagu yiri qoraalka.

ATMIS waxay xaqiijisay inay ka go’an tahay gudashada waajibaadkeeda ku aaddan taageeridda geeddi-socodka dowlad-dhisidda Soomaaliya, oo ay ku jiraan dadaallada loogu gudbayo doorasho hal qof iyo hal cod ah oo loo maro hannaan loo dhan yahay oo laga wada qayb-galayo.

Hadalkan ayaa kusoo aadaya xilli magaalada Kismaayo uu ka socdo ololaha doorashada Madaxweynaha Jubaland oo la qabanaayo maalinta Isniinta.