ATMIS oo dad shacab ah ku xir xiray Shabeellaha Dhexe

Published: May 22, 2022
See the source image

Ciidamada howlgalka ATMIS oo howlgal qorsheysan ka sameeyeen deegaano ka tirsan gobolka Shabeelaha Dhexe ee Dowlad goboleedka HirShabelle ayaa waxa ay ku soo xireen dad shacab ah.

Ciidamada ayaa la sheegay in ku dhowaad 10 qof oo shacab ah ay gacanta kusoo dhigeen, iyaga oo ku eedeynaya inay la shaqeynayeen kooxda Al-Shabaab.

Warar qaar ayaa sheegaya in dadkan shacabka ah ayaa loo soo gudbiyey magaalada Muqdisho, si loogu sameeyo baaris dheeraad ah.

Lama oga siday ay Ciidamada ATMIS ka yeelayaan dadkan, maadaama la keenay xaruntooda dhexe oo ku taala Xerada Xalane ee magaalada Muqdisho.

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *