ATMIS oo hub laga furtay Al-Shabaab ku wareejiyay Ciidanka DFS

Published: May 3, 2022

Ciidanka howl-galka midowga Afrika ee ATMIS ayaa hub laga furtay Ururka Al-shabaab waxa ay ku wareejiyeen Ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed.

Hubkan oo isugu jira dheshiikayaal, hubka fudud iyo rasaas fara badan ayaa waxaa kasoo furtay Al-shabaab Cutubyo ka tirsan Ciidanka xoogga dalka iyo kuwa ATMIS oo howl-gallo ka sameeyay qeybo ka mid ah Shabeellada hoose.

Taliye ku xigeenka ATMIS Marwo, Fiona Lortan ayaa sheegtay in dowladda Soomaaliya iyo howl-galka midowga Afrika ay diiwaan gelin doonaan dhammaan hubka laga furto Al-shabaab.

Taliyaha ciidanka Lugta ee Soomaaliya Jeneraal Maxamed Tahliil Biixi ayaa dhankiisa ka mahad celiyay hubka ay ATMIS ku wareejisay SNA.

Sidoo kale, waxaa uu bogaadiyay iskaashiga ka dhexeeya xoogagga midowga Afrika iyo Ciidanka xoogga dalka.

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *