AU: Khilaafka Kenya iyo Soomaaliya waa muhiim in la xaliyo!

Published: December 20, 2020

Shirka 38aad ee IGAD oo maanta ka furmay magaalada Jabuuti ayaa waxaa furitaankiisii khudbad kasoo jeediyey Guddoomiyaha Komishinka Midowga Afrika Moussa Faki Mahamat oo si gaar ah uga hadlay xiisada u dhaxeysa dalalka jaarka ah ee Soomaliya iyo Kenya.

“…Dalalka Soomaaliya iyo  Kenya waa kuwo xiriir wanaagsan lahaan jiray oo jaar ah… Kenya waxay ka qeyb qaadaneysaa ciidamada AMISOM, waxayna horey u heysay Qaxooti badan oo ka yimid dalka Soomaaliya…Waxaana hubaa in xiriirka soo-jireenka ah ee u dhaxeeya labada shacab ay irrida u furi doonto xalka khilaafaadka hada jira…”

Guddoomiyaha AUC ayaa sidoo kale hadlay khilaafka u dhaxeeya Dowlada Federaalka Soomaaliya iyo Dowlad Gobaleedyada ee arrimaha Doorashooyinka, isagoona sheegay in loo baahan yahay in laga wada shaqeeyo xal u helida murranka weli taagan.

Raysalwasaaraha Sudan oo hada guddoomiyaha IGAD Abdalla Hamdok ayaa dhankiisa sheegay in inta shirkan socdo diirada lagu saari doono arrimaha ka jira Soomaaliya, Sudan, Koonfurta Sudan iyo Itoobiya.

Maxamed Cismaan
Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *