AUN Fanaanka Maxamed Aadan Shamuuri oo Muqdisho ku geeriyooday

Published: September 2, 2021

Allaha u naxariistee Fanaankii waynaa ee Hobollada Waaberi Maxamed Aadan Shamuuri ayaa xalay ku geeriyooday magaalada Muqdisho.

Marxuumka ayaa kamid ahaa Fanaaniinta codka tolmoon ee la jecelyahay wuxuuna Shamuuri si gaar ah luuqdiisa faneed caan ugu ahaa heesaha banaadiriga.

Allaha u naxariistee marxuumka ayaa waayahan ku xanuunsanayey magaalada Muqdisho, waxaana lagu wadaa in maanta aas qaran loo sameeyo.

Maxamed Aadan Shamuuri ayaa fanka ku biiray dabayaaqadii 1970-meeyadii ,Geeridiisa ayaa waxaa ka tacsiyeeyay Masuuliyiin iyo Bahdii ay fanma kawada tirsanaayeen.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *