Austria: Weerar ka dhacay magaalada Vienna

Published: November 3, 2020

Booliiska dalka Austria ayaa baaritaan ku wada weerar xalay ka dhacay caasimada dalkaasi ee Vienna, kadib markii ay rag hubeysan rasaas la beegsadeen dad ku sugnaa bartamaha magaaladaasi.

Ugu yaraan 3 qof ayaa la xaqiijiyey inay ku dhinteen weerarkan oo bilowday xalay 8dii fiidnimo isla markaana saacado badan socday.

15 qof ayaa la sheegay inuu dhaawac soo gaaray, 7 kamid ahna ay qabaan dhaawacyo culus.

Weerarkan ayaa ka bilowday irida laga galo mid kamid ah goob ay Yuhuuda ku cibaadeystaan, wuxuuna weerarkaasi gaaray 5 goobood oo kale oo ay ka dhacday rasaasta sida booliiska ay xaqiijiyeen.

Hal nin oo hubeysan ayey ciidamada dileen, halka mid labaad uu baxsaday kaasi oo weli lagu raad joogo.

Wasiirka Arrimaha gudaha Karl Nehammer ayaa saaka sheegay in ninka la dilay ee kooxda weerarka geystay uu kamid ahaa ragga taageera kooxda ISIS.

Kooxda weerarkan geystay ayaa la sheegay inay rasaas ku furayeen cid walba oo ay arkaan iyo waliba goobaha makhaayadaha oo ay dadka fadhiyeen.

Weerarkan ayaa lagu sheegay mid argagaxiso waxaana lagu soo beegay habeenkii ugu danbeeyey kahor intaan lasoo rogin bandowga dalkaasi la saaray si looga hortago faafida cudurka Covid19.

Hanad Askar
Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *