Awoodaha Dawlad Goboleedyada iyo Hanaqaadkooda -Op-Ed

Published: September 21, 2020

Waxaa qoray Yusuf F S Email: yusuffarahsamatar@gmail.com

Tayada dawladaha xubnaha ka ah Federalka waxaa u dhexeeya farqi aad u weyn. Kuwana waa billow kuwana waa kuwa kobcaya, kuwana waa kuwa hana qaaday oo sii dadaalaya.

Waxaa habboon iney dhammaantood ku dadaalaan wada shaqeyn iyo is gardaadin. Kuwa hanaqaaday waa iney siiyaan fursad kuwa soo socda oo ey u tilmaammaan dhibtey soo mareen iyo caqabadaha ka horyimid. Xiriirintaa waxaa laga doonayaa iney horseed ka noqoto dawladda Federaalka. Waxaa kaloo la gudboon Dawladda Federaalka iney u oggolaato kuwa hanaqaadaya dhammaan waxii dhaqaale xaq u leeyihiin oo aan la siyaasadeeyn mashaariicda horumarinta.

Sida xoogga loo saarayo doorashooyinka, waxaa muhim ah in lagu dadaalo dhisidda hay’adaha iyo wasaaradaha iyo hanaanka dawladnimo ee gobollada. 

Maamul aan laheyn heykal dawladnimo waa adag tahay in laga hirgeliyo doorasho qof iyo cod ah. 

Waxaa qoray Yusuf F S Email: yusuffarahsamatar@gmail.com

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *

2 Comments

  1. Waa dawlad iyo dawlad la’aan. Maaha in Puntland la falgasho Hirshabeelle, Galmudug, iyo Koonfur Galbeed. Waa in Puntland u furtaa tababarro.

  2. Waxaa Haboon in Puntland ay danaheeda ka fakarto sida dib u soo celinta gobollada uu maamulka naceb Soomaalida iyo Soomaalinimada uu haysto, ama laga fakaro oo qorshe loo dejiyo habkii gobolladaas loogu samayn lahaa Maamul goboleed xitaa u dhigma midka Galmudug ee liita oo xitaa ay Dowladda dhexe aqoonsantahay. Guul ayay u tahay Dowladda dhexe haddii Gobollada Sool iyo Sanaag ay ka mid yihiin maamulada taageersan, dhabar jab weyna waa ay ku tahay Maamulka Soomaalidiidka ah ee nacaybka ku dhisan. Puntland haddii aysan Gobolladaas soo celin karin faraha haka qaado oo ha taageerto sidii ay uga bixi lahaayeen gacanta Soomaalidiidka.

    FG: aniguma kama soo jeedo deeganadaas, waxaana u dhashay deegaanada waqooyiga mudug.