Axmed Barre duqii caasimadda Puntland ee Garoowe oo ka jawaabey xil ka qaadistiisi

Published: September 16, 2022
Axmed barre Garowe

Axmed Siciid Muuse oo habeenkii xalay Madaxweynaha Puntland uu ka qaadey xilkii guddoomiyaha caasimadda Puntland ee Garoowe, ayaa ka jawaabey sida Madaxweynuhu aanu ugu marin hab sharci ah xil ka qaadistiisa, iyo qodobka uu cuskadey ee ah Hantidhawrka, taas oo dad badan moodeen in musuqmaasuq lagu eedeeyey

Axmed Barre Waxa uu yiri:

Dhamaan waxaan halkan ka salaamayaa Bulshada Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan kuwaasoo ii muujiyey dhiirigelin iyo garab istaag mudadii aan xilka hayey iyo mararkii badnaa ee sida xaqdarada ah culayska lay saaray. Gaar ahaan, bulshada Garoowe mudaddii aan adeegaha u ahaa waxaan ku bartay wanaag, waxquur, wadajir iyo dawlad jacayl.

Mudanayaal iyo Marwooyin, xilku waa meerto, qof walbaana Mar buu ka tegayaa ama hala jeclaado ama hala necbaado, balse taariikhda ayaa baal ku qoraysa muddo lagu xusuusan doono.

Waxaan soo dhoweynayaa Duqa magacaaban C/qaadir Sh Axmed-Tuurre, waxaan la garab istaagi doonaa wixii talo iyo khibrad ah ee uu iiga baahdo. Waana ugu duceynayaa inuu illaahay u xilka u fududeeyo. Waxaan aad ugu qanacsanay inuu horumarka Caasimadda halkeedii kasii wadi doono, haddii aan culays la saarin ama dano gaar la doonin.

Madaxweyne Deni, wuxuu xaq u lahaa inuu ii yeero iina sheego waxa uu ka doonayo Garoowe, balse bedelkeeda wuxuu soo warqado sharci-darro ah oo aan dalka iyo dadka midna u danayneyn lagana fileyn xilligan siduu sheegay doorashada tooska ah loo darbaday. Dhamaan qodobada ku qoran warqadda kala dirista Golaha Deegaanka ee Garoowe waa kuwo si khaldan loo isticmaalay.

  1. Dastuurka 123aad, faqradiisa 4aad waxay sheegaysaa in kaladiridda Golaha deegaanka iyo lumina xubinimada lagu qeexi doon xeerka Golayaasha Deegaanka ee Law No.7.
  2. Qodobada ku qoran xeerka Golayaasha ee madaxweynuhu tixraacay ee 5-aad waxaa ka horeeya 4 qodob oon la’aantood madaxweynuhu golaha kala diri karin. Hal mid oo ka mid ahna lama fulin. (Eeg lifaaqa)
  3. Warbixinta Hantidhawrka ee Madaxweynuhu tixraacay, habayaraatee kuma jirin wax hanti ah oo Dawladda Hoose ee Garoowe madaxdeeda lagu eedeeyey inay ku takrifaleen. Balse waxaa loo soo qoray warqad maamul (Management Letter) kor loogu qaadayo qaab-shaqeedka xafiisyada Dakhliga, kharashka, Kontroolka Gudaha iyo Qaabka xisaabxirka oo goldaloolooyin lagu sheegay. Annaga maasuuliyiintada fulintana waxaa nalaga codsaday inaan ku korjoogteyno shaqaalaha hawsha gacanta ku haya. Waxaa xusid mudan inaanu jirin xeerka maamulka maaliyadda ee Puntland, kaasoo hawlwadeenadu tixraacaan. Balse waxaa lagu shaqeeyaa talooyinka Maamul ee Hantidhawrku soo jeediyo, taasoo ah qof iyo aragtidiis.

Ma aqbalayo, raallina ka noqon mayo in brush wasakhaysan la mariyo maamulka iyo Golaha Deegaanka ee sharafta mudan. Waxaan Caraynayaa cid kasta( Challenge, اتحدا) in la keeno hantidhawr madaxbanaan oo baara hantida Dawladda Hoose mudadii Golahu dhisnaa.

Haddii $1 lagu helo anniga ayaa eedeeda qaadaya. Waxaan kaloon ka codsanaynaa Hantidhawrka Puntland “hadday Qoor iyo xero leeyihiin” inay caddeeyaan haddii hantilunsi ka jiro maamulka Dawladda Hoose ee Garoowe.

Ma hamiyeyn, mana fileyn waana la yaabay in Madaxweyne Deni uu cid kale Ku takrifal hantiyeed ku eedeeyo iyadoo la Ogyahay duruufaha Puntland ka jira iyo cidda gayeysiiyey. Xog badan oo jirta gadaal baan u dhigtay, waxaan idinla wadaagi doonaa xilliga ay ku haboonaato.