Axmed Fiqi: Lacagta taakulada abaarta ee looga jaro mushaharka shaqaalaha oo gaartey $750,000

Published: September 6, 2022
Shares112

Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macalin Fiqi ayaa faah-faahin ka bixiyey dadaallada ay waddo DFS iyo goobaha ugu daran ee saameynta ay ku yeelatay abaartu.

Saameynta Abaarta

Wasiirka ayaa sheegay in abaartani ay tahay tii ugu darnayd muddo 40 sanno ah, taas oo saameysay dad gaaraya 6.9 milyan qof oo u dhiganta 42% guud ahaan dadka dalka ku nool, isla markaana ay ka barakicisay deeganadoodii 894 kun oo qof, si ay u helaan biyo iyo baad, halka 1.5 milyan caruur ahi la ildaran yihiin nafaqo darro ba’an.

“In kastoo guud ahaan dalka ay si siman u saamaysay abaartu haddana xogta ay Dawladda Federaalka Soomaaliya (DFS) hayso waxaa ka mid ah dhulka ay ku dhaqan yihiin xoolo-dhaqatada iyo beeraleyda gobollada Bay iyo Bakool, reer miyiga gobolka Gedo, deegaannada Cadduunka iyo Hawdka ku yaal gobollada Hiiraan, Galguduud, Mudug, Nugaal, Sool iyo Togdheer.”Ayuu yiri Wasiir Fiqi.

Dhaqaalaha ilaa hadda soo gaarey

Mudane Fiqi ayaa tilmaamay in dowladda federaalka Soomaaliya ay qaaday tallaabooyin wax lagaga qabanayo xaaladda abaaraha, sida in Disembar 2021, Golaha XFS ay ku yabooheen in bil walba 20% laga jari doono mushaharaadkooda, taasoo lasii joogteeyey, hadana maraysay $750,000 , kulamo kaalmo loogu raadinayo dadka ay saameysay abaarta oo lala yeeshay beesha caalamka iyo tallaabooyin kale oo lagu dardargelinayo.

“Janaayo-Abriil 2022, DFS waxay qabatay shirar lala yeelanayo Deeqbixiyaasha, Ururrada Bulshada Rayidka, Ganacsatada iyo Culimada Soomaaliyeed si loo dardargelinayo gurmadka Abaaraha inta aysan xaaladdu sii xumaan. Waxaana la bilaabay in raashin loo qaado magaalooyinka qaar.Maajo-Luulyo 2022 Madaxweynaha DFS waxa uu u magacaabay Ergayga Gaarka ee gurmadka Abaaraha, halka ay DFS ka heshay dawladda UAE $9.6 milyan oo loogu talogalay gurmadka Abaaraha, iyadoo tan iyo bilowgii gurmadka Abaaraha 3,200 tan oo raashin ah la gaarsiiyay dad ku dhow nus malyuun qof.” ayuu intaas ku daray Wasiiirku.

Hay’adda maareynta musiibooyinka

Sidoo kale, Wasiirka Arrimaha Gudaha Axmed Macalin Fiqi, ayaa xusay in Agoosto-Sibtember 2022 ay DFS dib u hawlgelisay Hay’adda Maareynta Masiibooyinka, iyadoo la asaasaasay Guddiga Qaran ee Gurmadka Abaaraha oo ka kooban 16 xubnood oo isugu jiray Wasiiro, Culimo, Ganacsato iyo Bulshada rayidka, xoghayna u tahay Xarunta Qaran ee Hawgallada Gurmadka Degdegga ah (NEOC).

Gargaarka ilaa hadda la fidiyey

“Isbuucan waxay DFS udirtay raashin 50 tan ah oo loogu talo galay 2,100 qoys oo ku sugan goobaha looga baqayo in nafaqo darro ka dilaacdo, iyadoo degmooyinka qaar la siiyay dhaqaale ay dib ugu hagaajistaan ceelasha biyaha ay ka cabi jireen.DFS waxaa ka go’an hawlaha xoojinta iyo dardargelinta dadaallada gurmadka abaaraha si loo samata bixiyo Bulshada Soomaaliyeed ee la ildaran masiibada abaarta.” Ayuu raaciyey Wasiir Fiqi.

Baaq

Ugu danbeyn, Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa ugu baaqday dhammaan Bulshada Soomaaliyeed, Saaxiibada Soomaaliya, Beesha Caalamka iyo Deeq-bixiyeyaashaba in loo kaco sidii loogu gurman lahaa bulshada u tabaalaysan saameynta abaaraha.

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *