Axmed Karaash oo booqdey xeradii Goojacadde

Published: August 30, 2023

Madaxweyne kux-geenka Puntland ahna sii-hayaha xilka Madaxweynaha Axmed Cilmi Cismaan ayaa booqdey xeradii ugu weyneyd ee ciidamada Somaliland ee Goojacadde taas oo ay deganayaan muddo ku dhaw 15 sano ciidamada Somaliland.

Madaxweyne axmed Karaasha ayaa yiri booqashadiisi kadib: “Maanta waxaan booqday Goojacade oo ah Taliskii ugu weynaa ee Soomaaliland ku lahayd gobolka Sool, waxaa xusid mudan in 8-dii bilood ee lasoo dhaafay ay ka hagayeen Madaafiicdii iyo weeraradii lagu ekeeyey magaalada Laascaanood”

dusha sare ee goojacadde

Madaxweyne ku-xigeenka Puntland Axmed Cilmi Cismaan ayaa shegay in Goojacadde ay talis u noqon doono guutooyinka ciidamada deegaanka.

Horseed Media