Madaxweyne ku-xigeenka Puntland Mudane, Axmed Cilmi Cismaan Karaash iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa booqasho ku tegay degmada Caluula ee Gobolka Gardafuu, halkaasi oo uu madaxweynuhu ka daah-furay gurmad la gaarsiiyay dadka ay roobabku saameeyeen ee Gobolka Gardafuu.
![](https://horseedmedia.net/wp-content/uploads/2019/12/FB_IMG_1577035510307-1024x683-1.jpg)
Madaxweyne ku-xigeenka Puntland Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa gargaarkaas gaarsiiyay dadka ay roobabku saameeyeen, isagoo si rasmi ah u daah-furay gurmadka la gaarsiinayo dadka roobabku saameeyeen.
Sidoo kale madaxweyne ku-xigeenka Puntland Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa markii uu gaaray Caluula wuxuu xariga ka jaray Garoonka Diyaaradaha ee degmada Caluula oo dayactir lagu sameeyay.
![](https://horseedmedia.net/wp-content/uploads/2019/12/FB_IMG_1577035514851-1024x682-1.jpg)
Wafdiga madaxweynaha waxaa ka mid ah Guddoomiye ku-xigeenka kowaad ee Baarlamaanka Puntland Mudane, Abuukaate Cabdicasiis Cabdullaahi Cismaan , Xubno ka mid ah labada Gole ee Dowladda, Taliyaha Ciidamada Booliska Puntland Mudane Gen. Muxidiin Axmed Aw-Muuse, Agaasimaha Hayádda Maareynta Musiibooyinka Puntland ee HADMA Cabdullaahi Cabdiraxman Cayrow, Ganacsato iyo Siyaasiyiin hore xilal uga soo qabtay Puntland.
HORSEEDMEDIA