Axmed Karaash Oo Si Weyn Lagu Soo Dhaweeyey Laascaanood

Published: August 29, 2023
Shares94

Madaxweyne ku-xigeenka Puntland Axmed Cilmi CIsmaan ayaa maanta safar ugu baxay gobolka Sool, kadib markii ciidamada Somaliland looga adkaadey dagaalkii qaatey mudada 8 bilood ah ee ka socdey gobolka Sool.

Madaxweyne kuxigeenka Puntland ayaa si weyn logu soo dhaweeyey dhamaan tuulooyinka u dhexeeya Garoowe iyo Laascaanood.

Jidka dheer ee laamiga Laascaanood ayaa gawaarida laga xirey, shacabka ayaa isugu soo baxay wadada dheer si ay u soo dhaweeyaan Mudane Axmed Cilmi CIsmaan (Karaash).

Wefdiga Axmed Karaash waxaa meel fog uga hortegey maamulka SSC-Khaatumo, Isimada iyo waxgaradka kale waxaana loo soo dhaweeyey sidii halyeey, maadaama uu si xoogleh uga qaybqaatey halgankii dalka looga saarey ciidamadii Muuse Biixi ee maamulka Somaliland.

Axmed Karaash ayaa lagu wadaa in uu gaaro ilaa magaalada Gumeys oo qiyaastii 80km Laascaanood uga beegan dhanka Galbeed waana halka ciidamada maamulka SSC-Khaatumo ay ku hakadeen, kadib markii ay si xun u jebiyeen ciidamada Somaliland.

Axmed Cilmi Cismaan ayaa horey uga mid ahaa asaasayaashii maamulka Khaatumo sanadkii 2012 waxaana uu ka nqodey Madaxweyne kaas oo lagu dhisey magaalada taariikhiga ah ee Taleex.

Halganka Somaliland looga saarey dalka ayuu Axmed Karaash u ahaa lafdhabar, bilowgiisi ilaa dhamaad.

Horseed Media