Axmed Karaash oo shaaciyey inaysan Doorashada madaxda Puntland wakhtigeeda dhaafeynin

Published: March 7, 2023
Shares2

Madaxwayne kuxigeenka Puntland Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa sheegay in Doorashada socota ku egtahay golayaasha deegaanka ee degmooyinka Puntland.

Sidoo kale Madaxweyne Axmed Karaash ayaa ka hadlay damaca muddo kordhinta ee Madaxda sare Puntland maadaama ay u harsan tahay bilo kooban.

“Dadka leh madaxda sare waxbaa u qarsoon waxaan leenahay war waxba nooma qarsoona wakhti yar baaba noo haray mana dhici karto Doorashada socota ee geedi caano lehna golayaasha deegaankay ku egtahay” ayuu yiri Axmed Karaash.

Waxa uu intaas sii raaciyey “Suragal maahan Doorashada barlamaanka iyo Madaxwaynahu in ay wakhtigeedii dhaafto mana dhacayso”

Madaxweyne kuxigeenka ayaa hadalkan ka sheegay Degmada Dangorayo ee gobolka Nugaal oo uu maanta ka daahfuray Shirka U qareemida Adeeg bixinta baahsan.

Shirkan oo ah mid Sanadle ah ayaa looga  hadlay u qareemida fidinta Adeegyada Aas-aasiga ah, Kobcinta qoondada Miisaaniyada iyo dakhliga dowladaha hoose iyo qodobo kale.

Horseed Media