Axmed Karaash oo xariga ka jaray xarunta Tababarka Beeralayda Puntland

Published: May 30, 2022

Kusimaha Madaxweynaha Ahna Madaxweyne ku xigeenka Dowlad Goboleedka Puntland Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa maanta xariga ka jaray xarunta Tababarka Beeralayda Puntland.

Madaxweyne ku xigeenka oo hadal kooban ka jeediyey munaasabada xadhig jarka iyo wareejinta xarunta Beeralayda Puntland ayaa uga Mahadceliyey Hay’adda WFP maalgelinta xaruntan iyo wada shaqaynta wanaagsan ee ay la leedahay Puntland.

Xaruntan oo ka kooban dhowr qaybood ayaa ah mid lagu tababari doono Xirfadleyda Beeraha Puntland.

Sidoo kale xaruntan waxa ay beeraleyda ku baran doonaan Abuuridda dalagyada iyo Calafka Xoolaha.

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *