10 November, 2024
Madaxweynaha dowlad goboleedka Jubaland Axmed Maxamed Islaam ayaa caawa magacaabay guddiga madaxa banaan ee xuduudaha iyo…
Madaxweynaha dowlad goboleedka Jubaland Axmed Maxamed Islaam ayaa caawa magacaabay guddiga madaxa banaan ee xuduudaha iyo doorashooyinka maamulka Jubaland.
Guddiga oo ka kooban todoba xubnood ayaa la filayaa inay qabtaan doorashada madaxtinimada Jubaland maadaama uu gabogabo yahay muddo xileedka madaxweynaha iyo kuxigeenadiisa.
Jubaland ayaa horey u diiday qorshihii dowladda federaalka ee ahaa in la qabto doorasho dadweyne oo isku mid ah oo halmar ka wada dhacda dhamaan maamul goboleedyada, waxayna taasi bedelkeed sheegtay inay goonideeda doorasho u qabsanayso.
Horseed Media