Axmed Siciid Muuse oo loo doortay duqa degmada Garowe

Published: August 29, 2018

Xildhibaanada golaha deegaanka degmada Garowe ayaa gudoomiye waxa ay u doorteen Axmed Siciid Muuse (A.Barre) oo kamid ahaa musharaxiinta u taagnaa qabashada xilka duqa magaalada Garoowe.

Sida ay gudiga doorashada ku dhawaaqeen musharax Axmed Siciid Muse ayaa helay codad gaaraya 18-cod halka musharaxii la tartamayay ee Axmed Abshir Jaamac uu isna helay 9-cod.

Doorashadan oo bilaabatay saaka xili hore ayaa waxaa ku tartamayay labo musharax oo qura iyadoona ay goob joog ka ahaayeen masuuliyiin ka tirsan dowlada Puntland.

Dhinaca kale Xidhibaanada golaha deegaanka ayaa kuxigeenka duqa dgemada Garoowe u doortay Maxamed Cali Xamari oo kamid ahaa musharixiinta u tartamayay xilka kuxigeenka duqa Garowe.

Maxamed Cali ayaa helay 17-cod halka musharxii la tartamayay Cismaan Maxamuud Siciid uu isna helay 10-cod.

Gudoomiyaha loo doortay golaha deegaanka degmada Garowe Axmed Siciid Muuse ayaa codsaday in lala shaqeeyo isaga iyo kuxigeenkiisa maadaama ay kusoo beegmeen xili xasaasi ah.

Horseed Media 2018

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *