Azerbaijan oo sheegtay inay Armenia ka qabsatay magaalo muhiim ah

Published: November 9, 2020

Ciidamada Azerbaijan ayaa la sheegay in Axadii shalay ay gudaha u galeen magaalada Shusha oo ah magaalada labaad ee ugu weyn gobalka la isku heysto ee Nagorno-Karabakh.

Magaalada Shusha ayaa ku taala wadada isku xirta dhulka Armenia iyo caasimada gobalka lagu dagaalamayo ee Stepanakert.

Shusha ayaa sidoo kale ahaan jirtay magaalada ay degen yihiin dadka reer Azerbaijan kahor intaan qawmiyada Armenia dagaal kula wareegin gobalka Nagorno-Karabakh oo ay maamulayeen tan iyo 90aadkii.

Dagaalka u dhaxeeya Azerbaijan iyo Armenia oo socda muddo 6 todobaad ah ayaa horey loogu fashilay in la joojiyo kadib dadaalo badan oo ay sameeyeen dowladaha Ruushka iyo Maraykanka.

Hanad Askar
Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *