Baanka Ganacsiga Itoobiya oo Laan ka Furanayo Hargaysa

Published: November 10, 2019

Guddoomiyaha Baanka Ganacsiga CBE ee Itoobiya Mr.Bacha Gina, ayaa shaaca ka qaaday inay qorsheynayaan inay magaaladda Hargaysa ee caasimada Somaliland ka furtaan Laan cusub sannadkan,

Siduu daabacay Wargeyska The Reporter waxa Guddoomiyaha Baanka Ganacsiga Itoobiya oo ka hadlayey Addis-ababa uu xaqiijiyey in doonayaan inay isu beddelaan baan caalamiya oo laamo badan ku leh dalalka Adduunka.

Mr.Bacha Gina Guddoomiyaha Baanka Ganacsiga Itoobiya wuxuu sheegay inay astaynayaan qorshe ay laamo kaga furanayaan Somaliland iyo boqortooyada Sucuudiga sannadkan, halka ay dalal kalena oo aanu carabaabin ay ka furan doonaan muddo labada ilaa saddexda sannadood ee soo socda.

Baanka Ganacsiga Itoobiya waxa uu xiligan laamo ku leeyahay dalalka Koofurta Suudaan iyo Jabuuti, iyadoo guud ahaan ka hawlgala 1516 laamood, isla markaana uu leeyahay 22 milyan oo macmiil.

Dowladda Itoobiya waxay qunsiliyad ku leedahay magaaladda Hargaysa, iyadoo xiriir wanaagsan la leh maamulka Somaliland

HORSEEDMEDIA

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *