Baaq nabadeed oo ka yimid Qurbe-joogta beesha[Siwaakh-roon]

Published: February 13, 2012

Baaq nabadeed iyo midnimo loo soo tebinayo beesha Xuseen Taloreer “Siwaaqroon”

Qurbajoogta beesha Siwaaqroon oo ka walaacsan waxyaalo qaldan oo ka dhacay degaanka Calbari, waxay u soo tebinayaan beesha baaq nabadeed iyo midnimo. Bulshada Calbari waxaa ayaamahan soo foodsaaray arimo qalafsan oo u baahan in si deg deg ah oo qotadheer looga arinsado, talo la lafaguray na loogu helo. Dhibaato kasta oo dhacda waxay leedahay dow loo maro oo lagu xaliyo si daacad ah na loogu falaaqeyo si xal waara looga gaaro. Bulshada degaanka Calbari waxay leeyihiin ilbaxnimo boqolaal sano soo jirtay iyo nidaam dowli ah oo qarniyo lagu soo dhaqmijiray. Calbari waa degaanki la baxay Puntland kumanaal sano ka hore marki Faraaciinti Masaaridu soo gaareen ayaga oo doonayay maadooyinka udugga oo ah beeyada iyo meydiga. Degaanka Calbari waa kan ugu nabadda iyo deganaashaha badan Puntland ama guud ahaan Soomaliya. Sida taariikhdu na bareyso, weli iska horimaad beeleed iyo colaad la sheegi karaa ma ka dhicin, weligiis na dhiig biniaadan ma lagu daadin degaanka Calbari.

Sanadki na soo dhaafay waxaa magaalada Baargaal iyo agagaarkeeda ka dhacay shilal kala duwan oo dhimasho, dhaawac iyo hanti la kala dhacay sababay. Taasu waxay beesha Siwaaqroon guud ahaan ku dhalisay welwel iyo wacaal nabadgelyo darida soo wajahday guud ahaan Calbari. Waxaa filanwaa iyo fajac ku naqday beesha dilkii xildhibaan Bile Maxamud oo Magaalada Baargaal lagu toogtay oo weliba ku dhintay gacanta dadka uu u yahay xildhibaaka usaga oo weliba ku hawlanaa danta beesha. Arintan foosha xumi waxay naxdin weyn ku dhalisay dhammaan waxagaradka beesha oo aad uga welwelsan cawaaqib xumada ka dambeyndoonta, haddii aan si deg deg ah wax looga qaban. Waxaa si weyn looga welwelsanyahay in ay dhacdo waxayaalo aan caado u aheyn beesha sida aargudasho iyo iska horimaad beeleed. Waxan ka digeynaa in falalka hadarnimo ee ka dhacaya konfurta Soomaaliya oo ka baxsan muslinnimada iyo dhaqanka wanaagsan ee Soomaaliyeed in aan lagu la soo galgalan degaanada ku caanbaxay nabadda iyo kaladambeynta bulshadeed. Waxan Eebe ka baryeynaa in ayan dhicin wax carqaladeya nabadgelyada Calbari aan wiiqin midnimada beesha Siwaaqroon.

Mashariicda loogu talo galay horumarka degaanka Cal-bari

Degaanka Calbari waxaa Eebe kumineystay kheyraad fara badan oo dhan kasta ah, waxaase jirta in dadka degaanku ayan weli si wacan uga faa`ideysan. Haatan waxaa ku soo fool leh Calbari mashaariic horumarineed qiimo weyn leh oo ay lacag badani ku baxeyso loogu na talo galay in laga hirgeliyo degaanka guud ahaan her degmo iyo tuulo ba. Mashaariicdaas waxaa loo qorsheyay in degaanka laga hirgeliyo horumar: xag waxbarasho, xag caafimaad, xag beereed, xag biyaha iyo xoolaha. Si mashaariicdaasi ay si dhab ah uga hirgalaan degaanka, waxaa dadka degaanka looga baahanyahay midnimo, dadaal dheeraad ah, isxilqaan daacad ah, iyo maamul tayo leh oo xilkaas weyn u istaaga. Waxan si daacad ah oo niyadsami leh ugu baaqeynaa bulshada Calbari in ay si wadajir ah oo daacad ah ugu guntadaan hirgelinta mashaariicdaas Eebe ugu deeqay. Waxaa dhab ah in haddii midnimo, daacadnimo iyo karti lala yimaado in waxkastaa hagaagayaan bulshada na loo horseedayo horumar, nolo sharaf leh iyo mustaqbil wacan.

Waxan si niyadsami leh ugu soo jeedineynaa guud ahaan waxgaradka beesha, gaar ahaan isimada, cuqaasha, siyaasiyiinta, aqoonyahanada, culumada, ganacsatada iyo dumarka arimaha hoos ku xusan:

-in shirweyne la isgu yimaado si arinkan loogu wajaho sida ugu haboon, xal waara na loogu helo iyo in loo xulo waxgarad arinkan lafagurikara.

-in xalinta arintan beeshu u cuskato diinta islaamka, dhaqanka soo yaalka ah iyo xeerka u degsan bulshada oo ay weliguud ku soo dhaqmijireen.

-In si wadajir ah looga hortago wax kasta oo nabadgelyada iyo midnimada beesha wiiqikara.

-In mashaariicda laga hirgelinayo degaanka Calbari qorshe habeysan loo sameyo, waxgarad aqoon leh na loo xilsaaro.

-In qayb kastaa u hogaansato goa`anada ka soo baxa shir weynaha beesha.

Waxan beesha u rajeyneyna guul, nabad iyo midnimo waarta.

 

Xubnaha baaqan ku saxiixan

1. CAAQIL CALI YUSUF CIISE ( GUDDMIYAHA JAALIYADDA U.K.

2. CAAQILSACIID SAALAX SEED

3. CAQIL MOHAMUD MAHAMED ADAN DUBUJE. G KIXIGEEN.

4. CAAQIL FAARAH MAXAMED FAARAX FUQTARE

5. MAHAD CABDULAHI SAMATAR

6. CAAQIL XAYLE CABDI ISMACIIL BOOBOLARE.

7. AXMED NUUR CABAAS.

8. MAXAMED NUUR SHALMAD.

9. PROF. MOHAMED SALAH AFDUUB.

10. ABSHIR XAREED CALI.

11. CAAQIL SALAX MAXAMED CALI XABEEB.

12. AXMED SALAX MAXAMED.

13. CABDIQANI MAXAMED MUUSE.

14. MAXAMED CABDULAHI CALI.

15. MAXAMED YUSUF MUUSE {QAYLO}

16. CAAQIL SALAD XASAN CALI.

17. XASAN SALAD CALI.

18. MAHAD MAXAMED ISMACIIL.

19. MAXAMED CALI ADAN.

20. SACIID MUUSE GAROON.

21. CAAQIL MAXAMED YUSUF MABEGO.

22. MOHAMED SACID CILMI MUUSE XAAJI.

23. SAID CABDULAHI MAXAMUD.

24. CABDULQADIR ABOKAR AXMED

25. XASAN ABOKOR

26. ABSHIR CALI CUSMAN.

27. ABDULQAADIR MAXAMED CIISE. KOONTE.

28.CABDIKARIN MAXAMED CUSMAN.

29.MAXAMED FAARAH JAMAC LAMUUBE.

30.MAHAD CABDULAHI CIISE

31.DR. AXMED YUSUF, INDHATAAG, { U.A.E}

32. AQOONYAHAN SAALAX SALAAD CABDIRAHMAN {KSA}

33. AQOONYAHAN MAXAMED NUUR CABAAS. {QADAR}

34. MAXAMUD NUUR CABAAS

35.CUSMAAN AXMED BANGAX. AWBARIIS {OMAN}

36.GAASHAANLE SARE SAALAX FAATAX MAXAMUD

37. PROF. MAXAMED XAREED CALI

38. DR, CAAQIL MAXAMED SACIID CIISE

39. DR. MAXAMED M. ALLORE

40.CABDIRISAAQ SALAAD

41. CAAQIL ABDI M.ALLORE

42. AXMED M.ALLORE

43. PROF. MAXAMUD M.MUSE

44. XUSEN M.MUSE

45. XASAN M. MUSE

46. DR. MAXAMED S.ABDALLA

47. LIBAN X.SICID

48. NUR X.SICID

49. CABDULQADI.M.MAXAMUD

50. CABDI S.OMAR

51. SALAX QAASIM

52. CALI H. JAMAC

53. MUSE M.YUSUF

54. CABDULAHI YUSUF

55. MAXAMUD SICID

56. ING. AXMED MURUX

57. XASAN A.NEGARO

58. CABDULQADIR YUSUF

59. XUSEN MAXAMED

60. CABDIAZIZ S. JAMAC

61. JAMAC H. JAMAC

62. MUSTAFA A. HASAN

63. ABUKAR A. XASAN

64. M. SICIID JAMAC

65. ALXAAJI ABDIRAXMAN

66. MAXAMED X.ABDIRAXMAN

67. CABDULQADIR S. JAMAC

67. HABIB MAXAMED SACID.

68. OMAR MOHAMED OMAR.

68. MOHAMUD HUSEEN SALAAD.

69. MOHAMED AHMED SAALAH.

70. CAAQIL QAASIM XAAMUD.

71. ABSHIR XAAJI CIYE.

72. YUSUF MAXAMED YUUSUF CIISE (AFFEY)

73. CABDI BANGAX MAXAMUD

74. MUXUBO CISMAAN GUULEED

75. FADUMO NUUR CABAAS.

76. DRS..SAMIIRO NUUR CABAAS.

77. FAADUMO AADAN DHEERE

78. RAHMO SALAD ALI.

79. MUUBO SAALAX GAABSHE.

80. SU`AD MOHAMED SACID

81. MARYAN OSMAN GULED.

82.HALIMO HAJI SAALAH {BIRISHKOLO}

83.SHUKRI HAJI SACID XOORE.

84. KHADIJO HAJI SACID XOORE.

85. NINCO BASHIIR

86. MUNO SALAH SAGAAR.

87. KHADRO XAREED ALI.

88. NAJMO MOHAMED SACID.

89. RUQIYO AHMED SALAH.

90. RODA SALAD HASAN.

91. NAJMO MOHAMED ALI.

92. SACDIYO MOHAMED HASAN.

93.MARYAN NUUX DOWSAR.

94. MURWO YUSUF ISSA

95. AMINO QURBAALE

96. XABIIBA SACIID CIISE

97. CAASHO X.SCIID

98. JOHARO.X.SICIID

99. XALIIMO. M.MUSE

100. MARYAN. M.MUSE

101 XALIIMO. A.ALI

102. SEYNAB. A.ALI

103. FADUMO. ALI

104. SAHRA. ALI AADAN

105. XALIIMO. SALAX

106. SACDIYO.YUSUF

107. FADUMO MAXAMED XAREED

QURBAJOOGTA BEESHA SIWAAQROON