Baaqyadii dagaalka Laascaanood oo aan dhaqan gelin iyadoo dagaalku uu galay maalintii 15aad

Published: February 20, 2023

Maalintii 15aad oo xiriir ah waxaa Magaalada Laascaanood ee xarunta Gobolka Sool ka socda dagaal u dhaxeeya Ciidamada Somaliland iyo Dadka.

Sidoo kale dagaalka labada dhinac ka sokow waxaa barbar socota duqeyn xooggan oo ay ciidmada Somaliland la beegsanayaan Xaafadaha qaar ee magaalada.

Dagaalka iyo duqeyntan wada socda waxa ay sababeen dhimasho, dhaawac, barakac iyo burbur soo gaaray qaar kamid ah xaafadaha shacabka iyo goobo kale oo Magaalada Laascaanood ah.

Baaqyo kala duwan oo la xiriira joojinta dagaalka kuwaas oo ka kala yimid Madaxda Dowladda Federaalka, Duubabka dhaqanka, Culimada, Qaramada Midoobay iyo Beesha Caalamka ayaa loo diray dhinacyada ku dagaalamaya Magaalada Laascaanod, iyadoo aysan weli taasi dhaqan gelin.

Horseed Media