Baaritaan lagu wado dhuumaha Gaaska geeya Yurub ee la qarxiyey

Published: September 29, 2022

Dalalka Midowga Yurub ayaa Arbacadii shalay shaaciyey in ay baari doonaan qaraxyo lagu burburiyey dhuumaha gaaska geeya dalalka Yurub ee loo yaqaan (Nord Stream) gaaska ka yimaada Ruushka ayaa soo hoos mara dhuumahaasi yaala badda Baltic-ga, iyaga oo ku tilmaamay “weerar qorsheysan.”

Isniintii lasoo dhaafay ayaa la ogaaday in la burburiyey qeyb kamid ah dhuumaha gaaska badda hoos mara ee Nord Stream 1 iyo Nord Stream 2 meel u dhaw xeebta jasiiradda Bornholm ee dalka Denmark.

Salaasadii ayey khubarada sheegtay in burburka soo gaaray dhuumaha gaaska ay u baddan tahay in loo adeegsaday qaraxyo lagu rakibay dhuumahaas.

Ruushka iyo Maraykanka ayaa labaduba arbacadii shalay beeniyey inay wax lug ah ku leeyihiin burburka loo geystay dhuumahaasi.

Madaxa Midowga Yurub Ursula Von der Leyen ayaa Talaadadii falkan ku tilmaamtay weerar toos ah oo lagu soo qaaday kaabayaasha tamarta Yurub, iyadoo sheegtay in EU-da ay jawaab adag ka bixin doonaan.

Falkan ayaa dhacay xili wadamada Midowga Yurub ay doonayeen inay hoos u dhigaan gaaska ay ka iibsadaan Ruushka oo ay ku tiirsan yihiin shirkadaha Tamarta dalalka Yurub qaarkood, waxaana la rumeysan yahay in khal khal gelinta tamarta dalalka Yurub ay xiriir la leedahay dagaalada ka socda wadanka Ukraine.

Waxaa sidoo kale lagu beegay falkan bilowga xiliga qaboobaha, iyadoona la filayo inuu sare u kac aad u weyn ku yimaado qiimaha korontada iyo gaaska ay isticmaalaan dadka ku nool dalalka EU-da.

Horseed Media