Baarlamaanka cusub ee Galmudug oo kulankoodi 1-aad yeelanaya Axadda maanta ah

Published: January 12, 2020

Maanta ayaa lagu wadaa in xildhibaannada cusub ee Baarlamaanka Labaad ee Dowlad Goboleedka Galmudug ay yeeshaan kulankoodii ugu horeeyey, isla markaana ay uga hadlayaan arrimo dhowr ah.

Xildhibaannada ayaa intii ay ku jiraan kulankooda waxaa ay si KMG ah shir guddoon ugu dooran doonaan qofka ugu da’da weyn ilaa iyo inta ay ka dooranayaan guddoonka Baarlamaanka Galmudug.

Sidoo kale Xildhibaannada ayaa dhexdooda waxaa ay iska soo xuli doonaan guddi doorasho, kaas oo asteeya hanaanka iyo habraaca doorashada guddoonka Baarlamaanka Galmudug.

Amniga magaalada Dhuusamareeb ayaa aad loo adkeeyey,waxana sidoo kale halkaasi ka socda kulamo xasaasi ah iyo loolan loogu jiro kamid noqoshada lixda Xubnood ee ka harey Baarlamaanka Maamulka Galmudug.

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *