Xildhibaanada labada Aqal ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka ayaa ansixiyay qoondada miisaaniyadda Dowladda ee sanadka 2025 oo…
Xildhibaanada labada Aqal ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka ayaa ansixiyay qoondada miisaaniyadda Dowladda ee sanadka 2025 oo gaaraysa $1.35 bilyan oo dollar, waxaa oggolaatay in la ansixiyo 172-Xildhibaan, laba Xildhibaan ayaa diiday, hal Xildhibaanna waa uu ka aamusay.
Kooramka baarlamaanka ayaa ahaa 175 Xildhibaan oo ka kooban labada aqal.
Wasaaradda Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa baarlamaanka horgeysey Miisaaniyadda bilowgii bishii hore, waxaana ay soo bandhigtay kororka jira iyo ilaha kala duwan ee dakhliyadu ka soo xaroonayaan.
Kororka miisaaniyaddan marka loo barbar dhigo tan sanadka 2024 oo ahayd $1,079,315,783, ayaa waxaa siyaaday $263,160,528 milyan oo dollar oo u dhiganta koror dhan 24.4%.
Xildhibaanada labada Aqal ayaa marsiiyey nidaamka loo meel-mariyo miisaaniyadda taas oo marka hore la xiro xisaab celinta miisaaniyaddii hore, lana mariyo ilaa saddex akhris.
HORSEED MEDIA