Baarlamaanka Itoobiya oo u codeeyey in la qaado Xaalada-Deg-Dega ah

Published: February 15, 2022

Baarlamaanka Itoobiya ayaa u codeeyay in xilli hore la soo afjaro lix bilood oo xaalad degdeg ah, taasoo lagu dhawaaqay bishii November ee la soo dhaafay markii ciidammada Tigreegu kusoo dhawaadeen caasimadda Addis Ababa.

Go’aanka ayaa maanta oo Talaada ah kasoo baxay Baarlamaanka kadib markii golaha wasiirada ay soo jeediyeen bishii hore in lasoo gaabiyo tillaabooyinka degdegga ah iyadoo la eegayo hagaajinta xaaladaha ammaanka ee dalka.

deraalka ayaa ku guuleystay inay dib u riixaan ciidamada Tigreyga, xoogaga fallaagada ayaa dib ugu gurtay gobolka ay ka soo jeedaan ee Tigray, waxaana jira calaamado muujinaya in uu sii yaraanayo dagaaladii u dhaxeeyey labada dhinac.

312-xildhibaan ee soo xaadiray kalfadhiga, ayaa 63 ka mid ah waxay ka soo horjeesteen in la qaado xaaladda degdegga ah, halka 21 ay ka aamuseen codeynta.

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *