Baarlamaanka Jubaland oo doortey shir-guddoonkooda

21 November, 2024

Xildhibaanada Golaha Wakiilada ee Jubaland ayaa manta oo Khamiis ah doortey Guddoomiyaha Baarlamaanka iyo labadiisa ku xigeen.

Doorashada Shir guddoonka Baarlamaanka Jubaland, waxaa goob joog ka ahaa Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya labadiisa Aqal ku matala Jubaland, xubno kamida Golaha Wasiirada, dhamaan Xildhibaanada Golaha Wakiilada, Odayaasha Dhaqanka.

Xilka Gudoomiyaha Baarlamaanka Jubaland waxaa ku tartamay laba Musharax oo kala ah Cabdi Maxamed Cabdiraxmaan iyo Musharax Ismaaciil Cabdi Keerow, waxaana guusha raacday Cabdi Maxamed Cabdiraxmaan oo noqday Gudoomiyaha Golaha Wakiilada Dowlada Jubaland waxa uu helay codad gaaraya 65 cod halka musharixii la tartamayay Ismaciil Cabdi Keeroow uu helay 7 cod waxaana xumaaday 2 cod oo kaliya sida uu shaaciyay Gudoomiyihii KMG ahaa ee Golaha Wakiilada Jubaland Sheekh Abdi Yuusuf Cali oo ku dhawaaqay nataajida kama dambaysta ah.

Waa markii saddexaad oo Cabdi Maxamed Cabdiraxmaan noqdey Gudoomiyaha Baarlamaanka Jubalanad.

Doorashada guddoomiye ku xigeenka waxaa ku uuleystey xildhibaan Hiirad Ismaaciil Maxamed,isagoo helay codad gaaraya 56 cod halka Xildhibaan Mahad Maxamed Axmed oo la tartamayay uu isna helay codad gaaraya 18 cod, mana jirin wax cod ah oo halaabay.

Guddoomiye ku xigeenka labaad waxaa loo doortey Xildhibaan Cabdi Baaley.

Doorashada Madaxweynaha Jubaland ayaa loo ballansan yahay Isniinta waxaana la filayaa in Axmed Madoobe markii saddexaad noqdo Madaxweynaha Puntland.