Baarlamaanka Jubbaland oo muddo kordhin u sameeyay xil-heynta Madaxweyne Axmed Madoobe

Published: August 21, 2022
Shares460

Golaha wakiilada Jubbaland ayaa maanta kulan ku yeeshay xarunta baarlamaanka ee magaalada Kismaayo, kaad oo ahaa kalfadhigii afaraad fadhigiisii shanaad ee golaha wakiilada Jubbaland.

Kulanka ayaa ajandihiisu ahaa in wax ka badal lagu sameeyo dastuurka Jubbaland, Waxaana kulanka soo xaadiray 58 xildhibaan. 

Xildhibaanada ayaa dood ka yeeshay soo jeedin bishii hore ay soo jeediyeen 30 Xildhibaan oo ka tirsan Golaha Wakiilada Jubbaland taasoo aheyd in wax ka badal lagu sameeyo dastuurka Jubbaland Qodobka 28aad iyo qodobka 70aad. 

Xildhibaanada ayaa dood dheer kadib ansixiyey in la badalo labadaas qodob islamarkaana muddo xileedka xukuumadda iyo baarlamaanka Jubbaland oo markii hore ahayd 4 sanno laga dhigo 5 sanno, Waxaana ogolaaday 55 Xildhibaan, 2 xildhiaan ayaa diiday halka 1 xildhibaan uu ka aamusay. 

Gudoomiyaha Golaha Wakiilada Jubbaland Cabdi Maxamed Cabdiraxaam ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqay natiijada kulanka.

Wax ka bedelka ay Baarlamaanka Jubbaland ku sameeyeen qodobadaasi waxaa uu dhigayaa in muddo hal sano ah lagu kordhiyo mudo xileedka Madaxweyne Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe).

August-2019kii ayaa Axmed Madoobe lagu doortay doorasho uu garwadeen ka ahaa Ra’iisul wasaaraha maanta Xamse Cabdi Barre, sidaas oo kalena Caleema-saarkiisa oo ay diidanayd dawladda Faderaalka, waxaa ka qeybgalay Madashii Mucaaradka oo uu hogaaminayey Madaxweyne Xasan Sheekh oo doorashadaas kusifeeyey mid sharci ah.

August 2024-ka ayuu ku e’eg yahay mudo xileedka cusub ee Madaxweyne Axmed Madoobe.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *