Baarlamaanka Federaalka oo magacaabey guddiga qaban-qaabada doorashada

Published: January 1, 2017

Muqdisho:- Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya oo kal-fadhigoodi u horeeyey u socdo ayaa maanta magacaabey guddiga qaban-qaabada doorashada shir-guddoonka Baarlamaanka ee dhacaysa maalmaha soo socda.

Guddiga Baarlamaanku magacaabey ayaa ka kooban 15 xubnood waxaana loo qaybiyey nidaamka beelaha ee shanta ah. Guddigan ayaa masuul ka noqon doona qabashada codsiyada Musharixiinta soo buuxiyey shuruudaha laga doonayo in ay u tartamaan shir-guddoonka.

Dhismaha Baarlamaanka oo ay ku argagaxeen Xildhibaanada cusub

Doorashada afhayeenka Baarlamaanka ayaa lagu wadaa in ay dhacdo todobaadka soo socda, ma jiraan musharixiin badan oo xilkan isu soo taagtey, doorashada afhayeenka Baarlamaanka ayaa ah mid taaktiko ah taas oo Musharixiin u taagan xilka Madaxweynaha ka reebi karta tartanka, waxaana kamid ah dadka quud daraynaya Afhayeenkii hore Maxamed Cismaan Jawaari.

Guddigan ayaa dhexdooda iska dhex dooran doono Guddoomiyaha Guddiga, waxaana intaas kadib ay shaacin doonaan waqtiga la qabanayo doorashada guddoonka baarlamaanka.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *