Baarlamaanka Puntland oo ansixiyey masuuliyiin magacaaban oo isugu jira Wasiiro, Garsoorayaal iyo Hantidhowre

Published: July 3, 2024

Fadhiga maanta Golaha Wakiillada Dawladda Puntland oo ahaan fadhigii 8-aad ee Kalfadhiga 54-aad ayaa waxaa Goluhu cod aqlabiyad leh ku meel mariyey mas’uuliyiin magacaaban oo isagu jira Wasiiro ku-xigeeno kamid ah Golaha Xukuummada, Xubno ka tirsan Garsoorka iyo Hantidhowraha guud ee Dawladda Puntland, kuwaas oo ay soo gudbisay Madaxtooyadu.

1) Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Qorsheynta, Horumarinta Dhaqaalaha Maxamed Xassan Ibraahim

2) Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta sare Maxamed Diiriye Gamaadiid.

3) Wasiir ku-xigeenka Dhalinyaarada iyo Ciyaaraha Siciid Saalax Seed

4) Xeer ilaaliyaha Guud ee Dawladda Puntland Axmed Yuusuf Taaraan

5) Ku-xigeenka Xeer ilaaliyaha Guud ee Dawladda Puntland Cabdiqani Diiriye Cawl

6) Guddoomiyaha Xafiiska Hantidhawrka guud ee Dawladda Puntland Cismaan Maxamuud Cali (Qaroofey)

Horseed Media