Baarlamaanka Puntland Oo Dib U Dhigay Ka Doodista Xeerka Isgaarsiinta

Published: November 9, 2020

Golaha Wakiilada Puntland oo maanta yeeshay fadhiga 10-aad ee kalfadhiga 47-aad oo uu shir guddoomiyay guddoomiyaha golaha wakiilada Cabdirashiid Yuusuf Jibriil ayaa dib u dhigay ka doodista xeerka Isgaarsiinta Puntland.

Xildhibaanada golaha wakiillada Puntland ayaa cod aqlabiyad ah ku ogolaaday in labo maalmood oo dheer ah la siiyo Guddiga sida uu qabo Xeer-hoosaadka Golaha Wakiillada Qodobkiisa 58-aad iyo Qodobka 70-aad ee Dastuurka Dawladda Puntland Puntland, waxaana xeerka laga doodi doonaa maalinta Arbacada ah.

Xeerka Isgaarsiinta Puntland ayaa ka kooban 38 Qodob waxa uuna bedeli doona xeer sharci Lr. 15 ee 17-12-2007 kuna saabsanaa Isgaarsiinta iyo Khidmadaha, maadama uu la socon waayay horumarka deg degga ah ee ay ku talaabsanayso Isgaarsiinta casriga ah iyo is-bedelka khidmadaha.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *

2 Comments

  1. Waxaan doonayey insane waydiiyo puntaland
    Iyo Somalia oo, dismaha ciidan difaacikara
    Dhulka Somalia.
    Waxaan qarsoodi ahayn in Ethiopia iyo Aretareya ay Qorshay nayeen inay Somalia kusoo Duulaan po si wada jir ah u qabsadaan
    Dhulka Somalia Bad iyo Biri.
    Hubka Ethiopia ay China Ka gadatay Tegray
    Laguna weeraray in Somalia Laguna qabsado
    ayaa larabay.
    Somalia Ciidan malaha po waxa ay haysato dad rayad ah kama duwana.
    Waxaan Somalia oo dhan usoo jeedin lahaa
    Ethiopia iyo Aretareya khatar xun ayey Somalia kuyihiin.

  2. Ethiopia iyo Aretareya waa Mooryaan Cadaw ah ok muddo cheer Ka shaqaynayey hab Somalia loo soo galo oo xoog Laguna muquuniyo. Waa khatar run ah oo Somalia kusoo fool leg.
    Cadaw ayaa bad iyo Biri isu hubaynayey inay xasuuqaan shacabka Somalia oo dhulkooda
    qabsadaan.
    Waxaan talo usoo jeedin lahaa umadda Somalia, kii shalay nadilay iyo kii ladilay waxii
    Kasoo haray inay Somalia udiyaariyaan difaaca dalkooda oo kafogaadaan shiraraka
    Cadawga lala shirayo.