Baarlamaanka Puntland oo meel-mariyey ajandaha kal-fadhiga 52aad

Published: June 17, 2023

Golaha wakiilada ee dowladda Puntland ayaa maanta oo sabti ah yeeshay fadigoodi labaad ee kal-fadhiga 52aad.

Fadhiga maanta waxaa goob joog ka ahaa 52 xildhibaan oo ka mid ah 66-da xildhibaan ee golaha wakiiladu ka kooban yahay, waxaana looga doodey ajanadaha kal-fadhga.

Qodobada ugu muhimsan ee la isku raacey maanta ayaa ahaa:

  • Amniga Caasimadda Puntland ee ay ka qabsoomi waayeen doorashooyinkii goloyaasha deegaanka
  • Xaaladda gobolka Sool
  • Doorashada 2024
  • iyo hndisaha xukuumaddu soo gudbisey ee wax ka beddelka dastuurka

Xildhibaanada ayaa saddexda maalmood ee soo socota loo soo jeedin doonaa warbixino guddiyada joogtada ah mudadii u dhaxaysey labada kal-fadhi.

Lama yaqaano sida loo soo kala hormarinaayo labada qodob ee ugu xasaasin ee doorashooyinka 20204 iyo qodobka furidda dastuurka oo u baahan in uu maro marxalado dastuuri ah.

Horseed Media