Baarlamaanka Somaliland oo diiday in xasaanadda laga qaado xil. Maxamed Abiib iyo Gacan-qaad ka dhashay

Published: September 3, 2024

Golaha Wakiilada Somaliland ayaa maanta kulan deg deg ah oo ay magaalada Hargeysa ku yeesheen ku diiday codsi uu horey ugu gudbiyay Xeer Ilaalinta Somaliland oo ay dowladdu ku dooneysay in xasaanadda looga qaado Xildhibaan Maxamed Abiib.

Go’aankan Golah Wakiilada ayaa yimid maalin kadib markii Ciidamada Somaliland ay Garoonka Hargeysa ka qabteen oo ay xireen xildhibaanka.

57 Mudane oo fadhiga ku sugnaa, ayaa 51 ka mid ah diiday eedaha loo soo jeedinayay xildhibaan Abiib, saddex mudane ayaa taageeray, halka laba kale ay ka aamuseen.

Go’aankan ayaa meesha ka saaraya dacwadda ka dhanka ah xildhibaanka ee baarlamanka hor taalay.

Xildhibaanka oo hadda ku jira jeelka Mandheera ee magaalada Hargeysa ayaa xafiiska xeer-ilaalinta Somaliland uu horey ugu eedeyay “khiyaano qaran, sumcad dil ciidanka Somaliland, taageerista cadowga Somaliland iyo inuu ka horyimid danaha qaran.”

Xiisad ka dhalatay xarigga xildhibaan Maxamed Abiib ayaa hareysay kal fadhigii Golaha Wakiilada ee maanta iyo qaar ka mid ah xildhibaanada la arkayay iyagoo isugu gacan qaadaya.

Horseed Media