Baarlamaanka Soomaaliya Oo Ansixiyey Xukuumada Rooble – VIDEO

Published: October 24, 2020

Kulan ay maanta xaruntooda KMG ee Villa Hargeysa ay ku yeesheen mudanayaasha golaha shacabka, uuna shir gudoominayey gudoomiyaha golaha shacabka Maxamed Mursal Sh. Cabdiraxmaan ayaa raysal wasaaraha xukuumadda Maxamed Xuseen Rooble waxaa uu golaha horkeenay xukuumadiisa, isagoo waydiistay in ay kalsoonida siiyaan.

Raysal Wasaare Rooble ayaa xusay in xukuumaddiisu ay diiradda saari doonto dardargalinta hawlaha doorashada, amniga goobaha doorashadu ka dhacayso, la dagaalanka cudurka Covid-19, adeegga bulshada, cadaaladda iyo dawlad wanaagga.

Sidoo kale Xukuumadda ayuu xusay inay mudnaan gaar ah siindoonto ilaalinta xuquuqul insaanka, gaar ahaan difaaca Haweenka iyo carruurta, iyadoo la xoojinayo wada-shaqaynta hay’adaha u xilsaaran difaaca dhibanayaasha.

“Xukuumadda oo kaashaneysa Dowladaha Xubnaha ka Ah DF, waxay dardar-gelinaysaa dadaallada dhammaystirka dib-u-eegista Qorshaha Amniga ee xilligan muhiimka ah. Waxa aan shaki ku jirin in fulinta qorshahan uu siin-doono shacabka, hay’adaha dowladda iyo ciidamada amnigu fursad ay si wadajir ah u sugayaan xasilloonida iyo nabadda dalka”.

RW Rooble

Mudanaayasha golaha shacabka ayaa codka kalsoonida u qaaday xukuumadda cusub, waxaana ogolaaday 188-mudane, mana jirin cid ka aamustay ama diiday, sida uu ku dhawaaqay Gudoomiyaha golaha shacabka Mudane Maxamed Mursal Sh Cabdiraxmaan.

Golaha wasiirada oo ka kooban 27-wasiir, 17-wasiir dawle iyo 26-wasiir ku xigeen oo uu Ra’iisal wasaaraha dalka magacaabay 19-kii bishan ayaa lagu hor dhaariyey golaha shacabka, waxaana ay dhawaan xubnaha ku cusub xukuumaddu ay la wareegi doonaan xilal kooda.

Ugu dambayn Raysalwasaare Rooble ayaa uga mahadceliyey golaha shacabka ansixinta xukuumadda iyo barnaamijkeeda, si ay u gutaan shaqooyinka adag ee laga sugayo, isagoo tilmaamay in Xukuumaddiisu ay mudnaan gaar ah siin doonto wax ka qabashada xadgudubyada ka dhanka ah qeybaha bulshada ee nugul.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *