Baarlamaanka Soomaaliya oo Bilaabaya Ka Doodista Afarta Cusub Ee Ugu Horaysa Dastuurka

Published: January 28, 2024

Guddoomiye ku xigeenka koowaad Aqalka Sare ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Cali Shacbaan Ibraahim ayaa shir guddoomiyay kulanka guddiga joogtada Aqalka Sare ee Baarlamaanka 11-aad.

Kulanka oo uu goobjoog ahaa Guddoomiye ku xigeenka labaad ee Aqalka Sare Cabdullaahi Cali Xersi Timacadde isla markaana ajandihiisu ahaa ka tashiga arrimaha dib u eegista Dastuurka  ayaa ugu horrayn warbixin looga dhagaystay xoghayaha guddiga Dastuurka Baarlamaanka JFS, Sanatar Saciid Cabdi Xuseen, isagoo ka hadlay habraaca ay mudanayaasha Labada Aqal ansixiyeen muhiimaddiisa iyo in inay u diyaarsan yihiin ka guddi ahaan afarta cutub ee ee ugu horraysa dastuurka.

Intaas kadib xubnaha Guddiga joogtada Aqalka Sare ayaa dood iyo falanqayn ay ka yeesheen habraaca dib u eegista Dastuurka, waxay soo jeediyeen in tobanka bisha Febaraayo la guda galo doodda afarta cutub ee ugu horraysa Dastuurka KMG ah, taas oo ay ugu dambayn isla qaateen.

Horseed Media